PDF Archive

Easily share your PDF documents with your contacts, on the Web and Social Networks.

Send a file File manager PDF Toolbox Search Help Contact



Maqaalada17 18 .pdf



Original filename: Maqaalada17-18.pdf

This PDF 1.5 document has been generated by Microsoft® Word 2016 / www.ilovepdf.com, and has been sent on pdf-archive.com on 25/03/2018 at 22:19, from IP address 95.8.x.x. The current document download page has been viewed 109 times.
File size: 1.6 MB (38 pages).
Privacy: public file




Download original PDF file









Document preview


MAQAALADII AUGUST- APRIL
MAXAA LAGU QIYAASAA WAQABAD DAWLAD, MAXAANA
LAGU DOORTAA HOGAAMIYE?
Mahad oo dhammi waxay u sugnaatay Allaha inagu maamusay nimcooyinka
ammniga iyo iimaanka. Sidoo kale waxaan u mahadnaqayaa dawladda xilka
haysa sida ay ugu heelan tahay ilaalinta ammniga iyo walaaltinimada
bulshada.
Waxa heerka waxqabad ee dawladii leedahay ka warama wakhtiga. Sidaa
darteed dhammadka wakhtiga dawladani waxa uu cadayn doonaa heerka u
gaadhsiisnaa waxqabadkeedu.
Maqaalkani waxa uu la xidhiidhaa doorashada aqalka madaxtooyada
SOMALILAND ee ay dhawrka bilood inaga xigaan haddi EEBE idmo.
Maqaalkan waxaynu ku soo qaadan doonaa sidee lagu qiyaasaa waxqabad
dawlad, waa kuma hogaamiyaha wanaagsani, calaamado lagu garto
xilkasnimada hogaamiye inta uu xilka hayo iyo waliba buugga ololaha ee
xisbi sidee aynu inooga cawin karaa doorashada hogaamiye qaran?
Ugu horayn waa maxay Dawladdi?
"Dawladnimadu waa wax ay wada leeyihiin dadka maanta jooga iyo ka
dhalanaya ilaa maalinta qiyaamaha. Taas ayaa ah dawladnimada aynu
doonayno".
( sheekh Adan Siiro)
*Sidee lagu ogaadaa ama lagu qiyaasaa waxqabadka dawladdi leedahay?
Marka aynu doonayno in aynu ogaano waxqabadka dawlad waxa aynu ku
garan karnaa siyaabo kala duwan oo ay ka mid tahay:
"Dawlad ama xadaarad waa in lagu qiimeeyo sida ay ula dhaqanto una
horumarayso dadka cida awooda haysa ka fog ,ha ahaato fogaansho
qabiileed, dhaqaaleed, iyo diimeed ..... Laakinse aan lagu qiimayn sida ay
uga faaideen dadkii xaalkoodu wanaagsanaa markii hore ama sida ay u
faaideen kuwa ka ag dhaw cida xilka iyo awoodu gacanta ugu jirto".
(Hadalka LARRY BRILLIANT guddomiyaha The skoll global threats
Fund ,Waxaan ka soo qaatay buuga Focus ee uu qoray DANIEL
GOLEMAN).
Qeexidan waxaynu ka samayn karnaa waydiimo ay ka mid yihiin:
1-Sidee ayay xaalada dadka faqriga ku sugnaa isu bedeshay , hoygoodii,
dhaqaalahoodi iyo caafimaadkoodii kor ma u kacay , caruurtoodii
waxbarasho iyo shaqooyin tayo leh ma heleen, cashuurtii ay bixin jireen
baahiyahoodii ma dabooleen , ama waddanka horumar ma lagu
gaadhsiiyay?
2-Qabiilada dalka si siman horumarka dalku ma u gaadhay, mise qabiilada
xilka haya ama kuwa ka ag dhaw ayaa si gaara u faaiday?

MAQAALADII AUGUST- APRIL
MAXAA LAGU QIYAASAA WAQABAD DAWLAD, MAXAANA
LAGU DOORTAA HOGAAMIYE?
Waxa astaan u ah dawlad waxqabad diyaar u ah , sinaanshaha iyo sida isku
midka ah ee ay uga faaidaan bulshada ku nool waddankaasi khayraadka iyo
adeegyada oo dhan.
Balse dawladaheena waxa astaan u noqday in ay ka faaidan dad gaar ah
kuwaas oo ah inta ka ag dhaw cida xilka haysa. Hadalka LARRY BRILLIANT
waa mid lagu qiyaasi karo waxqabad dawlad.

*Waa kuwa hogaamiye qaran oo wanaagsani?
Hogaamiyaha qaran ee wanaagsani waa ka bulsho u horseeda in ay ku
noolaato nolol ka wanaagsan tii ay ku noolaayeen hogaamiyahaa ka hor.
Sidoo darteed hogaamiyaha aynu u baahan nahay waa in uu noqdo mid uu
waxqabadkiisu astaan u yahay hoggaamintiisa.
Ummad aqoon iyo karti leh marka ay dooranayso cid ha ahaado
madaxwayne , wasiir , ama macalin, IWM. Waxa ay ku doortaan laba sifo:
Hawlkarnimo iyo daacadnimo. Labadaas tilamaamood oo aad moodo in
aanay agteena qiimo wayn ku lahayn. Marka aynu ka nimaadno ummadaha
horumaray Quraanka Kariimka ah ayay ku qoran yihiin labadaas
tilmaamood. (QASAS 26).
Labadaa astaamood haddi aynu ku dhaqano waxaynu gaadhi karna ama
dhaafi karnaa waddammada horumaray. Waayo ummad kasta oo caalamka
caan ku noqotay horumar iyo barwaaqo waxa ay ku gaadhay in shaqooyinka
noockasta ha noqdaane, uu qabanayo qofkii ku haboona isaga oo aan u
baahnayn dabagal iyo qasbid toona! Qofwalbana uu yahay mid xilkiisa si la
qiyaasi karo u gudanaya.
Madaxweyne,cida la shaqaysa iyo cidkasta oo shaqo qabanaysaaba waa inay
noqdaan kuwo is-kood isu maamula oo muujiya xilkasnimo iyo
daacadnimo.
Laakinse xaalada aynu ku sugan nahay wakhtigan waa mid taa ka gadisan.
Waxaynu arkaynaa in xilalkii aayaha ummada saamaynta wayn ku lahaa
aynu u dhiibayno dad aan aqoonteedii lahayn, walibana garanayn ama
aanay ka guuxayn nafahooda culayska ay leedahay ammaanada loo
igmaday. Taas oo sabab u noqonaysa in ay ku fushaan danahooda gaarka ah.
Waxaana halkaas ku dayacmaya danihii guud ee bulshada.
Qaybta hore waxaynu soo qaadanay qeexida dawlad , sida lagu qiyaaso
waxqabad dawlad iyo hab lagu doorto hogaamiye qaran oo wanaagsan.
Habkaas oo ay ka mid ahaayeen hawlkarnimada hogaamiye oo ay u horayso

MAQAALADII AUGUST- APRIL
MAXAA LAGU QIYAASAA WAQABAD DAWLAD, MAXAANA
LAGU DOORTAA HOGAAMIYE?
aqoontiisa,waayo-aragnimadiisa iyo daacadnimadiisa .Waana hab inaga
caawinaya doorashada hogaamiye qaran oo hawshaa culus ka soo bixi kara.
qaybtan labaadna waxaynu ku soo qaadan doonaa :maxaa ka mid ah
astaamaha lagu garto xilkasnimada hogaamiye qaran inta uu xilka hayo, iyo
buugga balanqaadka ee xisbi sidee ayuu inooga caawin karaa doorashada
hogaamiye wanaagsan?
*Ugu horayn maxaa ka mid ah astaamaha hogaamiyaha wanaagsan inta uu
xilka hayo?
Madaxweyne ama hogaamiye waxa uu inta xilka uu hayo lagu gartaa
xilkasnimadiisa astaamo ay ka mid yihiin : Ka warqabka xaaladaha kala
duwan ee bulshada saamaynaya iyo la-tashiga inta aqoonta iyo khibrada
leh.
1- Ka warqabka xaalka bulshada iyo in uu ka dhigo bulshadaasi
aqoonteeda , dhaqaalaheeda iyo baahiyahooda kale qaar ka
wanaagsan siday ahaayeen inta aanu xilka qabanin. Taasi waa hawsha
koowaad ee uu hogaamiye ama madaxweyne ay tahay in uu qabto. Tusaale
ahaan ogaanshaha adeega caafimaadka oo aad looga dayrinayo meelaha
qaar sida cusbitaalka guud ee BURCO ( waa wakhti hore arrintan
cusbitaalku) oo waayahan dambe adeegiisa caafimaad hoos u dhac ku yimi.
Ogaanshaha adeegaa caafimaad ee hoos u dhacu ku yimi kadib waa in uu
madaxweyahaasi ama cida shaqadani khusayso ay ku dadaalaan kor u
qaadista tayada adeegaa caafimaad.
2- In uu la tashado kana yeelo cida la shaqaysa dadka aqoonta iyo khibrada
u leh xaaladaha kala duwan ee bulshada ku geedaaman. Tusaale ahaan sicir
bararka ka jira dalka wakhtigan waxa uu markaati cad u yahay sida aan loo
tixgalin soo jeedintii dadkii aqoonta u lahaa sidii sicir bararka looga bixi
lahaa. Walibana aynu ka dheehan karno in xilkaa loo dhiibay cid aan ka soo
bixi karin! (Waa wakhti hore tusaalahani)
Hogaamiyaha cadaalad ku dhex maamula bulshadiisa,kuna dadaala inuu ka
warhayo xaaladahooda lana tashadana. Waa hogaamiye ama madaxwayne
ay ka dhabtahay horumarinta bulshadiisa.
Waxaana dhab ah dawlada aanay dadkeedu sinayn oo qofwalba xaqiisii oo
dhammaystiran aanu helayn, in ay noqonayso mid horumarkeedu
curyaamayo.

MAQAALADII AUGUST- APRIL
MAXAA LAGU QIYAASAA WAQABAD DAWLAD, MAXAANA
LAGU DOORTAA HOGAAMIYE?

*Doorashada dawlad iyada oo loo eegayo barnaamijka waxqabad ee ay
doorashada ku galayso
Balanqaadyada kala duwan ee ay xisbiyadu inoo soo bandhigayaan waa hab
kale oo aynu ku dooran karno hogaamiye qaran.
Buuga ololaha ee balanqaad-kuna waa mid aynu ka arki karno waxa u
qorshaysan xisbi in uu qabto,walibana aynu kula xisaabtami karno.Waa
haddii uu leeyahay xisbigaasi!
Habkan sida aynu wax ugu dooranaynaa waxay tahay in aynu qiimayn iyo is
bar-bardhig ku samayno qorshayaasha xisbiyada uga dajisan qodobadan
hoos ku xusan iyo kuwo kaleba.Baadhistan iyo hubintan ka dibna waxa aynu
dooran karnaa hogaamiyaha aynu is leenahay waa uu inoo wanaagsanyahay
adduun iyo aakhiroba.
1- Tacliinta.
-Xisbigani maxaa uga qorshaysan sidii ay dadka oo dhami ugu yaraan u heli
lahaayeen waxbarasho aasaasi ah?
-Sidee buu doonayaa inuu kor ugu qaado tayada waxbarashada xisbigani?
-Macalinka ilaalinta xuquuqdiisa , dhiirigalintiisa,kobcinta iyo
kordhinta gunadiisa,aqoontiisa iyo xirfadiisa maxaa uga qorshaysan
xisbigaas?
2- Caafimaadka.
-Ma doonayaa xisbigani inuu hirgaliyo adeeg caafimaad oo dhammaystiran
magaalo iyo miyiba, sidee ayuuna ku hirgalinayaa?
-Maxaa uga qorshaysan kor u qaadista tayada, baabinta musuqa iyo qiimaha
qaaliga ah ee caafimaadka?
3-Shaqada.
-Siduu buu doonayaa xisbigani inuu ku yareeyo shaqo la,aanta baahsan?
-Maxaa uga qorshaysan ilaalinta xuquuqda shaqaalaha iyo sugnaanta
shaqada ee shaqaalaha?
(Job security)
4-Kaabayaasha dhaqaale.
-Maxaa uga qorshaysan dhisida iyo horumarinta wadooyinka caasimada iyo
waddooyinka waddanka oo dhan si dhaqaaluhu u koro, isu socodka
bulshaduna u fududaado?

MAQAALADII AUGUST- APRIL
MAXAA LAGU QIYAASAA WAQABAD DAWLAD, MAXAANA
LAGU DOORTAA HOGAAMIYE?

5-Ganacsiga.
-Xisbigan maxaa uga qorshaysan si uu u horumariyo ganacsiga noocyadiisa
kala duwan iyo dhiirigalinta ganacsiga iyo ganacsatada?
6- Tamarta, biyaha , deegaanka iyo dalxiiska.
-Maxaa uga qorshaysan laydhkan qiimihiisu yahay kuwa ugu qaalisan
adduunka ?
- Qorshaha ma ugu jirtaa xisbigan inuu caasimada oo dhan iyo
waddanka oo dhan u diyaariyo adeega biyo saafi ah oo joogto ah ,
sidee ayuuna ku gaadhayaa?
-Ma doonaya xisbigaasi inuu sameeyo ama dhiirigaliyo samaynta
tamarta dabiiciga ah sida cadceeda?
-Maxaa uga qorshaysan qashinka caasimada foolxumeeyay ,
caafimaadkana waxyeelaya waddanka oo dhan?
-Xagguu ka taagan yahay xisbigani beerista dhirta aynu xaalufinay ee
abaaraha keentay?
-Musiibooyinka dabiiciga ah sida abaaraha maxaa uga qorshaysan?
- Xisbigan dalxiiska maxaa uga qorshaysan horumarintiisa ,waayo
SOMALILAND waxay leedahay goobo taarikhi ah?
7-Cashuurta.
F.G
Saamayn toosa kuma laha arrimahan .
-Sidee aynu xisbigani kaga qaadayaa cashuurta dadka oo dhan ,waayo in yar
ayaa imika bixisa?
-Sidee aynu ku damaanad qaadayaa in bulshada wax loogu qabanayo
cashuurta laga qaadayo?
-Muxuu ku qabanayaa cashuurta?

8- Dadka hawl-gabka ah.
-Maxaa uu u diyaariyay xisbigani dadka hawlgabka ah?

MAQAALADII AUGUST- APRIL
MAXAA LAGU QIYAASAA WAQABAD DAWLAD, MAXAANA
LAGU DOORTAA HOGAAMIYE?

9- Ciidamada.
-Ciidamada maxaa uu xisbigani u diyaariyay ee uu ku dhiirigalinayaa?
-Ciidanka xuquuqdooda sidee ayuu ku ilaalinayaa?
10- siyaasada dibada iyo gudaha.
Ammaanka waddanka xisbigani ma ka dadaalayaa adkayntiisa?
-Qabyaalada ma ka dheeraanayaa xisbigani ,dadkana walaaltinimadooda ma
ilaalinayaa?
-Ictiraaf xisbigani sidee inagu gaadhsiinayaa?
11-Diinta
-Diinteena islaamka xisbigani ma inoo ilaalinayaa?
-Barashada iyo ku dhaqanka diinta sidee ayuu xisbigani u dhiirigalinayaa?
(Akhriste suaal’aha iyo qodobaduba way ka badnaan karaan intan.Laakin
intani waa tusaalayaal).
Waxa marag ma doon ah in dhammaanteen aynu bulshada kaalin kaga
jirno. Sidaa darteed qofkasta waa inuu qiimeeyo kaalintaa uu ku sugan
yahay cidii waxtar iyo horumarin u diyaarisay. Tusaale ahaan ardaygu waa
in uu doorto cida uu is leeyahay waxbarashada ayay horumar u
keenaysaa.Qaybaha kale ee bulshaduna sidaas oo kale waa in ay u qiimayso.

Ugu dambayntii maqaalkani waxa uu ka hadlayay:
1-Sidii aynu uga faaidaysan lahayn nimcada ALLE ina siiyay oo ah fursada
aynu u helnay doorashada cid ina maamusha. Nimcadaas oo ay suurtagal
tahay in la ina waydiiyo maalinta qiyaamaha haddii aynu sida ugu
wanaagsan uga faaidaysan wayno.
2- Sidii lagu heli lahaa hogaamiye iyo dawlad dhista ummad la hiigsado iyo
dhul lagu soo hirto.
Waxaan rajaynayaa in maqaalkani uu fikrad inaga siiyay sidii aynu u heli
lahayn hogaamiye iyo dawlad loo aayo.

MAQAALADII AUGUST- APRIL
MAXAA LAGU QIYAASAA WAQABAD DAWLAD, MAXAANA
LAGU DOORTAA HOGAAMIYE?

TOBAN DARIIQO OO AAD HADAFKASTA KU GAADHI
KARTID
1- AAMINAAD.Qodobka ugu horeeya
markaad hadaf samaynayso waa inaad aaminto inaad gaadhi karto yoolkaaga. Haddi
aanad aamisanayn inaad noloshaada bedeli kartid , waxaad noqonaysaa mid
fashilmay. Balse waa inaad ALLE talo-saarato , aamintana inaad hadafkaaga gaadhi
karto.
2- SAWIRO. Waa inaad sawirato waxa aad rajaynsyso inaad qabato, noqoto ama
yeelato. Waa inaad sidoo kale sawirato waxaad u baahanayso si aad u gaadho
yoolkaga sida aqoon IWM.
3- QOR YOOLKAAGA. Qorista yoolkaaga waa dariiq muhiim ah oo aad ku gaadhi
kartid hadafkaaga. Haddii aad qori waydo yoolkaaga waxa dhici karta inaad ilawdo.
4- OGAANSHAHA SABABTA AAD YOOLKAN KU DOORATAY. Waxa fiican
qofku marka uu yool leeyahay inuu ogyahay sababta uu yoolkan ku doortay. Inaad
ogaato sababta aad yoolkan u dooratay waxay ku siinaysaa dhiirigalintii aad u
baahnayd si aad hadafkan u gaadho. Isku day inaad ugu yaraan u raadiso hal sabab oo
cadaynaysa waxaad ku dooratay yoolkaaga.
5- WAA INAY KAA GO’AN TAHAY INAAD YOOLKAAGA GAADHO. Marka
aad doonayso inaad yoolkaaga gaadho waa inaad go,aan adag qaadato, kaas oo ah
inaanad is-dhiibaynin , niyad-jabaynina kolka ay wadada aad yoolkaaga u maraysaa
adkaato. Waxaanad mar labaad ogsoonaataa in qodobka afraad uu yahay mida uu ku
salaysan yahay dhabar-adaygaaga iyo u sabrida dhib kasta oo kaa hor istaagta inaad
yoolkaaga gaadho.
6- NOQO MID KU MASHQUULSAN HADAFKIISA. Waa inaad noqoto mid
hadafkiisa ka fikiraya maalinkasta iyo wakhti kasta. Waxaanad taa ku gaadhi kartaa
inaad dhigto ama aad ku qorto ahdaaftaada meel aad maalinkasta ka arki karto. Tani
waxay kaa caawinaysaa inaad ogaato, is barbar-dhigtana waxa kuu qabsoomay ilaa
hadda iyo meesha aad rabto inaad gaadho si aad yoolkaaga u xaqiijisid.
7- DIYAARIN QORSHE AAD KU GAADHAYSO YOOLKAAGA. Waa inaad
diyaariso qorshe balaadhan oo aad ku gaadhayso yoolkaaga. Waa inuu qorshahaasi ku
jiraan wakhtigaad yoolkan gaadhi lahayd, waxaad u baahan tahay si aad u gaadho
hadafkan , IWM.
8- MA JIRO WAKHTI LA MID AH IMIKA. Markaad doonayso inaad yoolkaaga
gaadho waa inaad xiligan aad joogto aad ku dadaashaa samaynta waxkasta oo kaa
caawinaya inaad xaqiijiso hadafkaaga. Ka faaidee wakhtiga aad hayso , iyo
awoodahaaga imika , hana u dib dhigin yoolkaaga mustaqbalka.
9- ISĶA WARHAYN. Waa inaad si aad u gaadho hadafkaaga, aad naftaada balan kula
gashaa inaadan is-dhiibaynin markay xaaladahu adkaadaan , ee uu dariiqii aad u
maraysay yoolkaagu uu noqdo mid cakiran. Haddii aad ogtahay in aanad naftaaga
dhiirigalin karayn markay xaaladuhu adkaadaan , waxaad samaysan karta qof ku
dhiirigaliya , kuna tusa faaidooyinka iyo dheefta ku jirta gaadhista hadafkaaga, si
aanad u rajo-dhigin.
10- DIB-U EEGISTA AHDAAFTAADA. Waa inaad yeelata wakhti u gaara qiimaynta
ahdaaftaada. Waxaana wanaagsan markaad diyaariso qorshihii aad ku gaadhi lahayd
hadafkaaga inaad samaysatana wakhti aad ku qiimayso. Si aad u ogaato inaad u
dhawaatay xaqiijinta himilooyinkaagii kala duwanaa. Waxaanay dib-u eegistani
noqon kartaa mid bille ah , lixdii bilood hal mar, toddobaad kasta ,IWM.
Maqaalkan waxaan ka soo dheegtay: BRADLEY FOSTER.

TOBAN DARIIQO OO AAD HADAFKASTA KU GAADHI
KARTID


Related documents


PDF Document work
PDF Document maqaalada bilaa khad
PDF Document work 123
PDF Document maqaalada17 18
PDF Document articles 1718 20 29
PDF Document in the manger baby booty pattern


Related keywords