PDF ArchiveHistorical archive . public document
2017 . April . 21

Oh Qabyaaladiiyeey

Oh Qabyaaladiiyeey.pdf

PDF 1.5 13 pages 140.18 KB Filed 21/04/2017
Download this PDF
Oh Qabyaaladiiyeey.pdf
Web reader . 5 pages of 13
Page 3 of 13, Oh Qabyaaladiiyeey
3 / 5

File preview

“Qabyaaladi Uf-weeyaan” Maansadan “Qabyaaladi Ufweeyaan” waxaan intii macquula ku eegay qabyaaladi waxay tahay, waxaan ka dhaxalnay, tafaraaruqa iyo lurtiisa anigoo ku gunaanaday talo iyo tusmayn guud. Wixii gefa ee aqoonyari ii geysay weyne hayga dhaafo, wixii aan abbaarayna weynaan ku mahadinayaa.  Oh qabyaaladiiyeey.  Isir waxaad wadaagtaan.  Gidigood ibleyskoo.  Aabbahaana shaydaan .  Ubadkiisi weeyoo.  Abkaabaa malcuunoo.  Awoowgaad firsanaysaa.  Waa ehel jaxiimaad.  Oh qabyaaladiiyeey.  Astaamaha ad leedahay.  Aan kala ableeyoo.  Aadmiga u sheegee.  Olol aan damayneey.  Inkaartii haldoorkiyo.  Indheer garadka qalataay.  Eebadii waxgaradkiyo.  Odayada biraysaysaa.  Gaari shalay aroosayd  Asay tii u saartaay  Curad weli abaydina  Agoomeeyadiiyeey  Waayeel afthaniyo  Abwaanada qudhgooyaay  Aqoonyahan ma dhaafaay  Garashada arradiyaay  Axdigoo la buriyiyo  Aanooyin badaneey  Uttun aan dhamaaneey  Warankii iblayskaay  Uufanaaga liitiyo  Ardal iyo hudeec iyo  Ummiga u khidmeeyaay  Nacaskii itaallee  Adhi iyo lo'foofsaday  Ama ayro daaqsaday  Iyo shilin mid urursaday  Aan lahaynse iimaan  U adeegadiiyeey  Danyaraha ma eegaay.  Oh qabyaaladiiyeey  Inta shay xumaanee  Weynaha ilaahay  Aadmigu ka magan galo  Halka laga abqaalee  Iniinteedu taalee  Lagasoo unkaayaay  Oh qabyaaladiiyey  Umalkiyo lurkaagaa  Arami igu kiciyoo  Ololkiyo kulkaagaa  Uurkayga gubayoo  Intaad xumo asbaab iyo  Asal iyo u tahay hoy  Ruuxii ogsoonbaa  Garan karaa ibtiladaad  Subax nool aloostoo  Udgoonow rasuulkaa  Shay soo uraayiyo  Kugu yidhi ufbaa too  Akhas liidataa tahay.  Oh qabyaaladiiyeey  Aqalkaad u hoyateed  Ka arimiso weeyaan  Halka lagu ilduufee  Birta lagu afaystee  Ajal lagu jaraayee  Ruux islaama dhiigii  Loogu ololayaayoo  Cadhadii ilaahay  Ay kusoo aroortaa !  Oh qabyaaladiiyeey  Inta sheekh afkiisiyo  Adinkiisu ay khayr  U adeegayeenoo  Amlaydaadu xiirtaan  Tiro lagu idlaynoo  Wiil geed adagyoo  Geesiyoo ildheeroo  Asaagii u mudanbaad  Iilka u xanbaartaa  Misna urugadiisoo  Uurka laga huraayaad  Olol kale hololcinaysaa  Markaasad inkaaryahay  Abwaanada la tooydiyo  Oday geedka joogiyo  Afyaqaanka xiirtaa  Wax aqoonka shacabkaad  Eebada xanuunkale  U afaysataayoo  Ardalkaad tidhaahdaa  Indhaha iska tuuroo  Aqoonyahan ku laysaa  Axankoon la dhiginbaad  Arday baro tacliintiyo  U ordaayey dhigashada  Aano u dishaayoo  Ubaxaad dhamaysaa.  Uur-dooxataa too  Arxan kala dhaqaaqdee  Wiil madi ahaayoo  Hooyo eeganaysaad  Isagana qudhgoysaa  Oh qabyaaladiiyeey  Aqal nuur ahaabaad  Iftiinkiisa damisaa  Hooyo ubad lahaydbaad  Ilmadeeda saydhaa  Aabbaad Gablamisaa.  Aduunyada intaa la eg  Aadmiga ku noolee  Islaam iyo kufaarba leh  Wuxuu iiga oolee  Iigasii ordaayaa  Eelkaaga weeyaan.  Oh Qabyaaladiiyeey  Haddii aan iblays iyo  Ku adeegsan shaydaan  Mar qudhuun inkaaryahay  Waxaad noo idlaysee  Aad aradka soomaal  Udubka uga mudatee  Uunkii ku noolaa  Amlayda ugu sidetee  Ummadaha kufaarta ah  Indhaha uga xidhatiyo  Eeddaha Bal Gaarkeed  Noo Ugaadhsanaysaa  Waa Maxay Ibtalayahay ?  Haddii aan iblays iyo  Ku adeegsan shaydaan  Ardalkiyo nin liidkiyo  Uufanaaga doqoniyo  Ululiga magaanka ah  Maxay kuu addeecaan?  Haddii aan iblays iyo  Ku adeegsan shaydaan  Aw iyo wadaad iyo  Waayeel il-dheeriyo  Aqoonyahanka fiicani  Maxay kaaga oolaan?  Haddii aan iblays iyo  Ku adeegsan shaydaan  Bal maxay abwaankiyo  Ab ogaa xidaari ihi  Ummada kaaga digayaan ?  Haddii aan iblays iyo  Ku adeegsan shaydaan  Aafada ad kicisiyo  Waxaad olol shidaysee  Hadba naar afuuftiyo  Waxaad aadmi layseed  Ajal goysay fahaney  Intifaac ma leedahay?  Anfac daa warkiisoo  Abaar waad ka darantoo  Waxa aan As-iladaa  U Ableeyey shacabkaan  Ogaysiis U Dirayoo  Sida Ay Islaamkiyo  Aw-sheekhi Qeexeen  Aqoontana ka dheegeen  Ardaa nabad weeyaan  Halka uu ilayskiyo  Aayatiinku yaaloo  Dadku ku istareexaa  Ardaa nabada weeyaan  Halka lagu aflaxayee  Dadku nolol iftiin badan  Ay ugu arooraan  Ardaa nabada weeyaan  Halka laba is aaminay  Ku aroos galaanoo  Inta ila xidh loo dumo  Aqal laga yagleelaa.  Ardaa nabad weeyaan  Halka hooyo ubadkiyo  Ubax ay ku korisee  Dhallaan uu ku ababaa  Ardaa nabada weeyaan  Halka maal aduun iyo  Adhi lagu dhaqdaayee  Hanti lagu ilaashaa  Ardaa nabada weeyaan  Halka eebbe weyniyo  Rabi lagu adeecee  Cibaadada ilaahay  Saxda loogu oogaa  Ardaa nabada weeyaan  Halka aan aqoontiyo  Cilmi aayatiin badan  Allaylehe ku baranaa  Ardaa nabada weeyaan  Halka nolosha idilkeed  Ay ka askumaysee  Weyne ka eheeyaa  Halka Aynu naalana  Aan Idiin Ishaaroo  Ka caddeeyo Oogtee  Magaceenu waa erey  Iyo tuduc astaanoo  Amni xumada baahdiyo  Argagagixiso iyo qarax  Hadda lagu aqoonsado  Waana uurku taalada  Ilmada iga keentee  Sharafteenan awdalan  Uubada daluunta  Aan uga gargaarnoo  Sidii ay ahayd beri  Udubkeeda taagnee  Noqda ul iyo Diirkeed  Aan idin tusmeeyee  Arag nato waa maxay  Arab liiga faaqida  Eeeyuudu yay tahay  Igad maxay ka dhigan tahay  Danta yuu en waa maxay?  Ilbaxnimada durugtiyo  Aqoontaa cadaysoo  Midnimaduna awood iyo  Waa tiir adayg badan  Kala awdal-naantuna  Laba kala irdhowday  Af libaax ku hoysaa  Iyana waxay Abaareen  Ududoo Midh noqotoo  Hadba kii itaal daran  Iilka lagu bud-dhigayee

Download Oh Qabyaaladiiyeey

Oh Qabyaaladiiyeey.pdf . PDF . 140.18 KB . 13 pages

Download PDF

File information

File name
Oh Qabyaaladiiyeey.pdf
Size
140.18 KB
Pages
13 pages
PDF version
1.5
Produced with
Microsoft® Word 2010
Filed on
21/04/2017
Page views
375
Document ID
oh-qabyaaladiiyeey
MD5
1d3ee49670836feba23e677a9b177e34
SHA-512
89f9012ec4c44dee19d78bd9915d74c2f712d8fee2717c471ca5410d3a0981f5ecdd59e54fa11765dee2d453fc70beab7d8093698309663cdb64ff01141c4fe4

Share this document

This address never changes. It is the one to keep, to send, or to cite.

Shorter, for a text message or a post with a character limit.

To link to this document from a website or a blog.